Kulamo Kaabo Mooryaanta Habargidir Ay Ku Yeesheen Deegaano Ka Tirsan Sh/hoose Oo Lagu Iclaamiyey Dagaal Lagu Qaado Beesha Biimaal (Xog)

Xog ay heleyso Shabakada Markanews.net ayaa sheegaya in kulamo ka kala dhacay degmada Kuntuwaarey iyo Beer ku taala duleedka degmda Janaale lagu go’aamiyey dagaal hor leh oo mar kale lagu qaado deegaanada Beesha Biimaal ee gacantooda ku soo laabtay.

Kulanka hore ayaa Seddax Maalmood ka hor ka dhacay Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeelad hoose, waxaa ka qayb galay Kaaba Mooryaano, Odayaal ku wanaagsan hurinta colaada, qab qablayaal xoog ku heysta Beero ku yaala Shabeelaha hoose iyo Ganacsato howshooda ay tahay bixinta dhaqaalaha Dagaalada lagu qaado beesha Biimaal.

Waxaa halkaas warbixin looga dhegeystay Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo Beesha dhul boobka uga warbixiyey baxsadaka qaab Ciidamo Milateri ahaan ugu qornaa oo diiday inay u dagaalamaan Beeshiisa iyo awooda ciidan ee kaga soo wajahan Ciidamada deegaanka, waxa sidoo kale uu sheegay inuu gacanta ku haayo in ka badan 75 joog oo dareeska tuutaha ah oo la siinayo Maleeshiyo si loogu dagaal geliyo magaca Milateriga dowladda federalka.

Sidoo kale waxaa Kulan kale oo kaas wax badan ka duwan uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Hangaraari oo ku yaalo duleedka Koonfureed ee Degmada Jannaale, kulankaas ayaa lagu soo bandhigay inay fashilmeen isku dayo kala duwan oo lagu doonayey in lagu hakiyo gulufka ciidamada deegaanka oo laoo adeegsaday siyaasado kala duwan, waxa hada la sugaana ay tahay in la qaado Dagaal ka dhan ah Ciidamada deegaanka oo iyagana doonayo inay soo  ceshadan dhulka ka maqan isla markaasina difaacdaan Deegaanada Beesha Biimaal ee hadda gacanta ku soo laabtay.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah dagaalada ayaa lagu kala qaadi doonaa sida lagu heshiiyey ilaa labo Aag si loo mashquuliyo Ciidamada deegaanka.

Labada Aag ee ay u arkeen ayaa kala ah deegaanka Ceel Wareegow oo looga duulo Beeraha Jannaale iyo Buulo Naagey oo iyadana la go’aamiyey in looga duulo gumeysi diid iyo deegaanada kale oo ka xiga galbeedka Sida Siigaale. Waxaa sidoo kale shaxda dagaalka ku jirto dagaal lagu qaado deegaanka Buufow Bacaad oo ah deegaan istaraatiji ah.

Ilaha Wareed aan warbixintan kasoo xiganay ayaa sheegaya in dagaalada lasoo qaadi doono ay noqon doonaan kuwo loo adeegsado Ciidamo lugeynaya ama Infantari, iyadoo lasoo hadal qaaday Cabadi bilayaal marar badan lagu duulaan tagay oo fashilmay iyo gaadiidkaas oo si dirqi ah kaga badbaaday in la qabsado.

Qorshaha ugu dambeeya ayaa laga doonayaa in Xasan Jaamici ugu dambeyn uu ku dhaqaqqaaqo Maalinta Jimcaha ee soo aadan ka hor, taas oo u dhiganta in uu heysto mudo shan moolmood ah inuu ku dagaal galo.

Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici ayaa noqonnaya Kaaba Mooryaanka weli ku mintidiya inuu guulo ka keeno dagaalo uuu la galo ciidamada deegaanka, waxaana mar uu ku dhaawacmay xasan Jamici dagaal ka dhacay fariisinka Danada oo ay ciidamadiisa kusoo duuleen  saldhig ciidamada deegaanka halkaasi ku lahaayeen sanadkii hore.

Waxaa horay u fashilmay isku dayo ay sameeyeen Kaaba Mooryaano kala duwan oo qaarkood ku waashay dagaalo ay la galeen Ciidamada deegaanka sida Gambalaaleel, qaar kale oo ka haajiray gobolka Sh/hoose sida Dhuxulow iyo kuwo sheegay inay dagaalka ka daaleen Sida mooryaan Goobaale.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE