Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Xasan Jaamici Iyo Odayaasha Buulo Mareer Ku Yeesheen Buulo?( hadalo kulkulul oo la is dhaafsaday)

Iyadoo maleeshiyada Habargidir ee uu madaxda u yahay Xasan Jaamici isla markaana huwan magaca ciidamada dowladda ay falal guracan oo isugu jira dilal, dhac iyo barakicin ay ka wadaan deegaanada Buulo Mareer iyo Golweyn ayaa odayaal ka soo jeeda dhamaan beelaha soomaliyeed ee ku dhaqan Buulo ay kula kulmeen Xasan Jaamici magaalada Buulo Mareer.

Odayaashan matalayay reer Buulo kana koobnaa dhammaan qabiilada Soomaliyeed ayaa ujeedadoda ahayd in Xasan Jaamici kala hadlaan maleeshiya beeleedka uu madaxda u yahay ee colaada ka hurinaya deegaankaas, iyo in ay u sheegaan in reer Buulo Mareer ay colaad ka soo daalin, maantana aysan u dulqaadan karin colaad dambe oo magaalada ka dhacda.

Odayaasha kulanka ka qeybgalay ayaa si cad ugu sheegay Xasan Jaamici in maleeshiyada uu madaxda u yahay ay yihiin maleeshiyo qabiil, ayna falal amni daro oo aad u xun ay ka wadaan deegaankaas, iyagana ay ugu yeereen in ay kala hadlaan iyagoo ka wakiil ah reer Buulo Mareer in uu joojiyo arintaas.

Odayasha ayaa sidoo kale u sheegay in reer Buulo mareer ay yihiin dadka ay dhibaatada ugu badan ka soo gareyso colaada uu hurunayo oo ganacsigooda uu joogsanayo, dadkoodana ay barakacayaan, ayna raali ka ahayn in colaad qabiil uu deegaankaas ka huriyo.

Xasan Jaamici ayaa si kibir iyo isla weyni ku jirto ugu jawaabay odayaashaas” dagaalada hareerihiina ka dhacay waad u jeedaan(oo uu ula jeedo dagaalada Habargidir iyo Biimaal)inta ay colaadaas jirtana, xoolihiina waa la dhacayaa, waana la idin dilayaa, waana la idin bara kicinayaa.

Xasan Jaamici oo odayaasha la sii hadlaya ayaa intaa ku daray in nabada ay ku baaqayaan hadii aysan ka dhicin gobolka Shabeelada Hoose oo dhan, Buulo aysan ku badbaadeyn.

Odayaasha oo dareensan ujeedada Xasan Jaamici ayaa ugu jawaabay in mudadii ugu dambeysay ay indhahooda ku arkeen,marqaatina ka yihiin in maleeshiyada madaxda uu u yahay ay dad ka soo jeeda beesha Biimaal ama beesha Dir oo rayid ah ay ku bartilmaameedsadeen Buulo oo uu ugu dambeeyay Siciid Geedi laakiin dhinaca Beesha Biimaal aysan marna wax tacadi ah geysan, waxayna markale ugu baaqeen in uu joojiyo qabyaalada uu wado isagoo shaar dowladeed huwan.

Xasan Jaamici aya ugu jawaabay odayaasha: waxaad ku soo celceliseen qabyaalad ma rabno ee ogaada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qabyaalad ugu fadhiya kursiga madaxtooyada, kadibna isaga huleelay madasha kulanka.

Waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah ciidamada dowladda oo ka soo jeeda beelo kala gedisay oo ka tirsanaa guutada uu hogaamiyo xasan Jaamici ee ku sugnaa Buulo iyo Golweyn ay ka soo tageen, kadib markii ay sheegeen in Xasan  Jaamici uu ku qasbayo in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay beeshiisa kula jirto beesha Biimaal, intii ka hartayna uu hubkii ka qaatay.

Xasan Jaamici ayaa ka mid ah kaaba mooriyaanta Habargidir ee isaga oo adeegsanaya magaca dowladda soomaliyeed dagaal barakicin ah ku haya beesha Biimaal laakiin kulankaas ka dhacay Buulo Mareer waxa uu odayaal qabaa’il soomaaliyeed oo dhan ugu hanjabay in hadii aysan gacan ku siin dulmiga ay beeshiisa ku heyso beesha Biimaal uu hantidooda dhacayo, ganacsigoodana istaagayo.

dhacdadan waxa ay daliil u tahay caqaliga mooriyaanimo ee lagu yaqaano Habargidir,oo xitaa kooda sheeganaya magac dowladeed uu sidaas u dhaqmayo, aysana jirin luqad kale oo ay fahmayaan oo aan ahayn xabad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE