Swiss Kalmo oo Maanta kala Dirtay Shaqaalaha Xarunta Megda

Waxaa Maanta gabai ahaanaba albaabada loo laabay Xarunta hay’ad beeleedka Swiss kalmo ee Xaruntii Megdo taas oo waayadii ugu dambeysay ahayd goob ay ka duulaan tagaan Maleeshiyada Kaaba Mooryaan Cali Cilmi.

Ka dib Cabsi iyo qad qal soo wajahay xaruntaasi ayaa shaqaalaha saake waxa lagu wargeliyey in aanay jirin wax shaqa ah islamarkaana laga cabsi qabo in goobtaas lagu soo weeraro Maleeshiyada gabaad ka dhiganeysa.

Qaar ka mid ah shaqaalaha oo la hadlay Markanews ayaa sheegay in markii hore halkaasi ay ku joogeen bariis dhacsi oo xaruntaas aanay ahayn meel hay’ad degentahay oo goob caafimaad ah, maantana loo sheegay in heegan ay ku jiraan maleeshiyada.

Dad ku sugan agagaaraha Xarunta Swiss kalmo ama Megdo ayaa soo sheegaya inay arkayaan maleeshiyaad daaraha saaran oo cabsi ay ka muuqato islamarkaana wax shaqa ah ay ka jirin xaruntaas.

Labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa Xaruntaas waxay iskau bedeshay goob laga abaabulo Maleeshiyaad dhibaatooyin ka geysta Marko iyo meelaha la midka ah.

Kaaba Mooryaanya haysta Hay’ad beeleeda Swiss Cali Cilmi ayaa marar badan ku goodiyey in Marka ay ku joogayaan Xoog hadii ay waayaana ay la imaan doonaan siyaasad ay kusii haystaan awooda Magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE