Faallo: Dareenka Uu Abuuray Hadalkii Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada Marka Uu Shaley Siiyey Idaacadaha Mooryaanta Habargidir

Mar walbo oo ciidamada deegaanka ay sameeyaan howlgal ka dhan ah dulmiga mooryaanta Habargidir ku hayaan shacabka beesha Biimaal ayaa waxaa durba qaracmo oo warbaahinta ka qayliyo shakhsiyaad magac Biimaal ku qaraabto oo qalbi Habargidir leh.

Hotel Wardheere oo ku yaallo wadada Makka Al-Mukarrama ee Muqdisho ayaa ah hoyga iyo saldhigga shakhsiyaadkan magaca Biimaal ku qaraabto qalbigana mooryaanta Habargidir ka taageersan. Gudoomiyaha cusub ee degmada Marka Xasan Cumareey oo inta badan joogo Hotelkan ayaan weli la ogeynin inuu la sii shaqeyn doonno dhagarqabeyaashan deegaanadooda iibsanaayo iyo inkale.

Iyadoo mar hore bulshada beesha Biimaal la socdeen hagardaamada shakhsiyaadkan Hotel Wardheere deggan usoo maleegayaan shacabka iyo deegaanada beesha Biimaal ayaa Howlgalkii ugu dambeeyey ee ciidamada deegaanka ay shaley ka sameeyeen gudaha degmada Marka waxaa uu banaanka soo dhigay hagardaamadooda. Shaley intii ay rasaasta socotay waxaa ciidamada AMISOM la soo hadlay Maxamed Xasan Fiqi iyo Macallin Barre waxayna AMISOM ku amreen inay ciidamada deegaanka ka horjoogsadaan inay isku fidiyaan xaafado ka mid ah magaalada Marka oo ay ku sugan yihiin mooryaanta Habargidir ee ay halkaasi soo dejiyeen C/naasir cabdi Caruush iyo Cali Nuure (Cali Takfiir).

Sidoo kale waxaa idaacadaha mooryaanta Habargidir ee Muqdishu la hadlay gudoomiyaha cusub ee degmada Marka Xasan Cumareey oo u muuqday mid ka hurdi waayey calaacalkao ka soo yeeraayey  mooryaanta Habargidir ee ku go’doonsan xaafado ka mid ah magaalada Marka, Xasan Cumareey wuxuu mid ka mid ah idaacadaha mooryaanta ka sheegay hadal aan micno lahayn.

“waan ka xumahay inuu dagaal beeleed ka dhaco magaalada Marka, waxaan beelahaas dagaalamaayo ugu baaqayaa in Qori uusan xal ahayn waxaa wanaagsan in wax walbo wadahada lagu dhameeyo..” ayuu yiri gudoomiye Xasan Cumareey oo isku dhex qasaayey mooryaanta iyo ciidamada deegaanka.

Wuu ogyahay gudoomiye Xasan Cumareey in beesha Biimaal ee uu ka dhashay ay saqiir iyo kabiirba isku waafaqsan yihiin in mooryaanta Habargidir ay fahmayaan oo kaliya luqadda rasaasta ama maarta, balse Xasan Cumareey wuxuu rabaa inuu sheego hadal qaboojinaayo laabta kaabo mooryaanta Habargidir maadaama uu doonayo inuu Xamar joogo.

Ma nin tuug ah oo gurigaaga xoog ku soo galay ayaa ogolaanayo inuu gurigaaga kaaga baxo WADAHADAL? Dhulka aad wadahadal ka galeyso ma dhul Habargidir baa mise waa dhul Biimaal? Jawaabta waa iska caddahay.

Dhulka uu leeyahay Biimaal waa loo ogolyahay inay ku noolaadaan beelo kale oo Soomaaliyeed, waxayna leeyihiin xuquuq iyo maamuus, waxayna ka qayb qaadan karaan horumarinta deegaanka, waxaana loo dhiibi karaa jagooyin lagu sharfo, balse xaggee Habargidir ka degan tahay degmada Marka iyo hareeraheeda? Ma niman iyagoo qoryo wato soo galay ayaan ku baryaaa inay gurigeena nooga baxaan? Taasi caqliga saliimka ah ma ogolaanayo.

Hadalka gudoomiye Xasan cumareey iyo shakhsiyaadka hagardaamada ka soo maleegyo Hotel Wardheere waxay hormuud u yihiin qorshe mugdi lagu gelinayo mustaqbalka shacabka beesha Biimaal, shakhsiyaadkan hagardaamada u soo maleegaayo deegaanada beesha Biimaal waa wajiyo badan yihiin waxayna adeegsanayaan qaabab badan oo kala duwan si loo fashiliyo qorsheyaasha ciidamada deegaanka ee beesha Biimaal.

 

W/Q: C/qaadir Ciise

tukulush@yahoo.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE