Madaxweynaha Kenya Oo Arin Cajiib Ah Ka Sameeyey Arooska Nin Muslim Ah Oo Mombassa Ka Dhacay (Sawir)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  malxiis u noqdey wiil uu dhalay wasiirka macdanta Kenya Najiib Balala kaasi oo isagana lagu magacaabo Naciim Balala.

Wiilkani arooska ah ee Naciim waxa uu la aqal galay gabar lagu magacaabo Safiyo Cumar, arooskoodana waxaa malxiis ka noqdey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,  waxaa sidoo kale xafladda joogay wiilka arooska ah aabihiis Najiib iyo waliba qeybo ka mid ah qoyskiisa.

Qowmiyadda wasiir Najiib Balala oo ah islaam isla markaasina dega dhulka xeebta ah ee Kenya iyo qowmiyadda Uhuru Kenyatta ee Kikunya oo gobolada xeebta Kenya ku leh hoteelo waaweyn  ayaa waxa uu yahay mid bixinayo sawir qoto dheer.

Sawirka hoose ayaa noqday saacadihii la soo dhaafay mid ay si baaxad leh ay isku dhaafsanaayeen bulshadaha dalka Kenya

malxiis

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE