Dabley Weerartay Xabsi uu Ku Xiranyahay Madaxweyne Ku Xigeenka Ahlu Sunah

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala magaalada Cadaado oo Maanta lagu xiray Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Ahlu Sunnah ee Gobolada dhexe C/llaahi Xirsi Diirshe Daacad.

Guriga la weeraray ayaa waxa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida, oo ilaalinayey Mas’uulka la xiray, Kooxda weerarka qaaday ayaa doonaysey inay xoog kusoo furtaan Mas’uulkan oo shalay lagu xiray Cadaado.

Dableyda ayaa la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda ahlu sunna halka warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan inay yihiin dableyda ehelada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Dhuusa Mareeb.

Ilaalada guriga ayaa iska caabin xoogan sameeyey, waxayna dib u celiyeen kooxha weerarka soo qaaday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE