R/Wasaaraha Giriiga oo Xilkiisa Iska Casilay

R/wasaaraha Xukuumada Dalka Giriiga Alexis Tsipras ayaaku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu haayey ka dib qudbad uu ka jeediyey Telefishinka qaranka dalkaasi.

Tsipras waxa uu sheegay in warqada iscasilaada uu u gudbiyey Madaxweynaha Dalka Giriiga Prokopis Pavlopoulos.

W/wasaaraha ayaa tilmaamay in xilkii loo dhiibay bishii janaayo ee horaantii sanadkan islamarkaana balanqaadkii uu sameyey uu gaarsiiyey meel wanaagsan hadana awooda uu usoo celiyey shacabka reer Gariiga oo soo dooran doona cida ay ku kaslsoonyihiin.

Inta uu iscasilin r/wasaaraha ayaa la saadaalinayey in xukuumada la kala diri doono oo doorasho ay ka dhici doonto dalka ka dib markii xisbiga talada haya ee Syriza laga hor istaagay fulinta amaahda reer Yurub.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE