Taliyaha Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed oo Maalintii Labaad Ku Sugan Ceel Wareegow

Taliyaha Ciidamada Daraawiista Maamulka Koonfur Galbeed Gen. C/hi Cali Axmed Waafow ayaa maalintii labaad ku sugan Deegaanka Ceel wareegow ee duleedka Degmada Marka.

Taliyaha ayaa waxa socdaalkiisa ku wehilnaya Taliyaha Ciidamada deegaanka Col. Maxamed Sheekh Xasan Suuri iyo saraakiil kale oo ka tirsan Deegaanka, waxaana meesha sidoo kale ku sugan sii haayaha xilka Gudoomiyaha Magaalada Marka Mudane Yariisow.

Ujeedada Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa lagu tilmaamay u kuur galida xaalada deegaanada duleedka ka ah Marka iyo sidii kulamo halkaasi uu kula qaadan lahaa Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waafow ayaa shalay markii uu deegaanka soo gaaray booqday Difaaca Gandaawi iyo Buufow Bacaad Waxaana hadalo guubaabo ah uu u jeediyey Ciidamada difaaca hore ee deegaanka isagoo ku booriyey inay sii wadaan dadaalada ay ugu jiraan sidii ay usii xajin lahaayeen dhulka cadowga uu usoo hub qaadanaayo.

Sidoo kale ujeeda socdaalka waafow ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo qaadi lahaa weeraro ka dhan ah Mooryaanta weli haraadiga ah ku ah Shalambood iyo kuwa ku go’doonsan Marka.

Waxaa socda abaabul xoogan oo Mooryaanta Xasan Jaamici ay ugu jiraan inay weeraro kusoo qaadeen deegaanada Ceelwareegow iyo Buufow Bacaad.

Wixii kusoo kordha waan idin Soo Gudbin doonaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran