Amisom Oo Qiratay Inay Ka Dambeysay Dilkii Shacabka Marka

Taliska amisom ayaa qirtay inuu ka dambeeyey dilkii 31kii bishii aanu kasoo guudbnay ay ka geysteen ciidamada amisom gudaha magaalada Marka ka dib markii ay rasaas la dhaceen dad ku sugnaa guri ay ka socotay Xaflada aroos ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidokou ayaa sheegay in Ciidamada amisom ay ka dambeeyeen dilka 7 ruux oo kasoo wada jeeda halqoys oo xaflada aroos ah ku sugnaa.

Wakiilka ayaa intaasi hadalkiisa raaciyey inay ka xunyihiin dilka shacabka loo geystay, isagoona daboolka ka qaaday in maxkamad Milateri ah lasoo taagi doono seddax askari oo shacabka dilka u geystay.

“Waxaa dhacay dil ciidamaadeenu ay ku lug lahaayeen oo ka dhacay Marko, waxaa loo qabtay saddex askari oo ay ku socdaan baaritaan” , ayuu yiri.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay amisom waxay qiratay kaliya 7badii ruux ee dilka ay u geystay 31kii bishii aynu kasoo gudubnay, halka weli ay soo hadal qaadin dilka 16 ruux oo geysatay 21kii isla bishii lasoo dhaafay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE