Deegaanka Muuri Oo Kasoo Kabanaya Burbur iyo Dhibaatooyin (Warbixin)

Deegaanka Muuri oo qiyaastii Lex Km u jira Degmada Nambar, halkan Magaalada Muqdisho uu dhanka koofureed kaga beeganyahay 44Km, waxa uu ku yaal wadad xiriirisa Muqdisho iyo Kismaayo.

Deegaankan ayaa ah deegaan istatiiji ah, caanna ku ah Ganacsiga iyo Wax soo saarka, Ganacsiga deegaanka ayaa ku xiran Degmada Afgooye oo qiyaas ahaa u jira 14km.

Muuri waxa gudoomiye ka ah Mas’uul lagu magacaabo Xasan Xaraaw oo ka mid ah dadka deegaanka waana mas’uul dadaka deegaanka ay u doorteen inuu noqdo hugaamiyah deegaanka loogana dambeeyo howsha deegaanka.

Waxaa in muda ah maamulayey Maleeshiyaad ka tirsan guuto Shanaad oo laba sano ka hor uu soo dejiyey Dagaal oogohii bidhaantiisa la waayey ee Qaafow, Deegaanka Muuri ayaa ka mid ahaa meelaha ugu badan ee ay ka dhaceen dagaalada u dhaxeeya Ciidamada deegaanka iyo Maleeshiyada dhul ballaarisaga rabta.

Dagaalkii ugu cuslaa ee deegaanka ka dhaca ayaa la xasuustaa 6-6-2013kii halkaas oo xilli galab ah ay soo weerareen maleeshiyaad uu horkacayey Liibaan Madaxey oo ka mid ahaa kaaba Mooryaanta Deegaanka isaga huleeshay ka dib markii ay u tabar heli wayeen Ciidamda deegaanka.

Dagaalkaas dhanka deegaanka waxaa hugaaminayey allah u naxriistee Halyeey Cumar Garmeele oo dhaawac kasoo gaarayIsla Muuri u geeriyooday, waxaana galabtaas qabsashada deegaanka Muuri ku hungoobay Maleeshiyada weerarka soo qaaday.

Mar marsiiyo iyo qorshe ayaa laysku dayey oo ahaa in Ciidamada deegaanka si siyaasadeysan gacanta deegaanka looga bixiyo marba hadii loo waayey awood ciidan isku dayo badan ayaa fashilmay.

Bartamihii bishii todobaad ee isla sanadka 213ka ayaa mar kale waxa meesha ka dhacay dagaal xoog leh oo gaaray ilaa halka loo yaqaan Garas Naasiar oo dhanka Laanta Buuro Deegaanka kaga toosan.

Wafdi Wasiiro ah oo soo gaaray hal maalin ka dib markii dagaalkaas uu dhacay ayaa Maamulka Nambar 50 ku qanciyey in deegaankaas lasoo dejiyo Maleeshiyo ku labisan darees dowladeed oo ah kuwii laga celcelinaayi deegaanka.

Maalintaas wixii ka dambeeyey ilaa bilowgii bishii naga soo dhamaatay ee sanadkan waxaa deegaankaas iskau bebedelaayey Maleeshiyada Goobaale iyo qaafow oo bah wadaag ku ahaa la dagaalanka Beesha Biimaal.

Dhibaatooyin aan lasoo koobi karin ayaa deegaanka ka dhacay intay deegaanka ku sugnaayeen Maleeshiyada hada isaga huleeshay, waxaa ka mid ah dilka wadareed halmaalin loo geystay Culimo Masaajid ku cibaadeesaneysay, falkaas ayaa ahaa fal muda laga shaqeenayey.

Hada deegaanka waxa dib ugu laabtay Ciidamada deegaanka waxa Taliye Ciidan ka ah Halyey Sare Axmidey qaable, waxa Gudoomiye ka ah Mudane Xasan Xaraaw, waxa dib usoo laabtay adeegyada ganacsiga iyo horumarka guud ee deegaanka.

Waxaa hada socda baabul ah in dadka deegaanka ay furtaan goobo waxbarashao oo burburey intay deegaanka gacanta ciidamada deegaanka ka maqnayd.

Waxaan soo dhawaan soo gudbin doonaan Warbixino xiisa badan oo aan idin kaga diyaarinay isla Deegaankan hadii alla awooda leh laga helo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran