Dhegeyso Goob Jooge Ku Sugan Shalambood Oo Ka Warbixinaya Dil Xalay Ka dacay Deegaankaas

Qof Goob jooge ah oo ku sugan Deegaanka Shalambood oo diiday in magaciisa aan xigano ayaa ka hadlay dil xalay deegaankaas loogu geystay mid ka mid ah dhalanyarada ku nool Shalambood.

Wiilka dhalanyarada ah ee Dilka loo geystay oo lagu magacaabo Aadan Diiriye Aadan ayaa ka mid ahaa dhalanyarada Ciyaartoyda ah, waxaana sida ay sheegayaan goobjoogayaasha dilka u geystay mid ah Mooryaanta Xssan Jaamici ee Shalambood ku sugan.

Rasaasta lagu dilay Aadan Diiriye ayaa sidoo kale waxa lagu dhaawacay wiil kale oo ka mid dadka halkaasi ku sugnaa,waxaana hada dhaawiciisa lagu dabiibayaa xafadaha shalambood meel ka mid ah

Goob joogaha ayaa sheegaya in saake Mudaaharaad cabasha ah ay dhigeen dadka shacabka islamarkaana loogu soo jawaabay rasaasta ka dhacda qoriga lidka diyaaradaha hadana la xiray dad ka maid ahaa dadkii dibad baxa dhigayey.

Dhegeyso Goob joogaha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE