Hugaamiye Daacsih oo Lagu Dilay Duqeyn Diyaaradeed

Duqeyn xaga cirka ah ayaa lagu dilay hugaamiyihii labaad ee Kooxda Daacish, waxaan mas’uuliyada diqeynta sheegtay Dowlada Mareekanka.

Hugaamiyaha duqeynta lagu dilay ayaa lagu magacaabaa Fadhil Ahmed al-Hayali oo ahaa ku xigeenkii Abuubakar al baqdaadi oo isagana dhawaan lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

Duqeynta ayaa ka dhacday Magaalada Mosil oo uu ku sugnaa hugaamiayaha la duqeeyey, ka dib markii kolnyo uu la socday lagu dhuftay gantaal xaga cirka laga soo tuuray.

Dowlada Mareekanka ayaa sheegatay in hugaamiyaha la dilay uu ku shaqeenayey magac ah Xaaji Mustaas islamarkaana ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE