Kooxda Ahlu Sunnah oo Albaabada U laabay Idaacado Ku Yaala Goobha ay Maamulaan

Kooxda Ahlu Sunnah ee Maamusha qaybo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa albaabada u laabay idaacado ku yaala Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud.

Ciidamo ka tirsan Ahlu sunnah ayaa xiray Idaacaddaha Radio Galguduud iyo Star FM xarumahooda Magaalada Guricel Ee Gobolka galguduud.

Sidoo kale Kooxda Ahlu sunnah ayaa Ciidamo u dirtay Xaruntii Radio Galguduud oo ku tiilay Dhuusamareeb kuwaas oo xiray Idaacada.

Weli ma cada sababta ka dambeysa in idaacado ku yaala qaybo ka mid ah Gobolka Galguduud la xiro hase ahaatee Kooxda ahlusunnah ayaa lagu eedeeyaa caga juglaeyn iyo handadaad joogata ah oo ay ku heyso Saxaafada ka howlgasha halka ay maamulaan

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE