Qarax Xoogan Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow uu ka dhacay qarax aad xoogan oo laga maqlay inta badan Magaalada.

Qarax oo weli aan la xaqiijin noociisa ayaa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.

Siday soo sheegayaan goob joogayaal qaraxa ayaa ka dhacay qaybta hoose ee Hotel Jubba oo ah meel maqaayad ah oo ay ku kulmaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada fedaraalka.

Qaraxa oo aan kala cadeyn nooca uu yahay ayaa warar iskhilaafsan ay kasoo baxayaan waxa lasoo sheegaa inuu qarax  ahaa miino hore meesha loogu sii diyaariyey halka war kale uu tuilmaamamayo in ruux naftiisa halige ah uu isku qarxiyey maqaayada.

Warka hordhaca ah ee qaraxa ayaa sheegaya in uu geystay dhimashada afar ruux halka dhaawacuna uu intaasi kasii badanyahay waxaa jira bur bur soo gaaray goobaha ganacsiga oo maqaayada qarax lagu qaaday ka ag dhow, waxaana goobta hada ksuii socda gawaariga gurmadka deg dega ah.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan idin kuu soo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran