Col. Maxamed Sheekh “Xasan Jaamici Hadii Mooryaanta uu Shalambood iyo Buulo uu Ku celin Karo Ha joogo”

Col. Maxamed Sheekh Xasan Suuri Taliyaha Ciidamada deegaanka oo hada ku sugan duleedka shalambood gaar agaan deegaanka Gandaawi ayaa ku hanjabay in deegaanada tirada yar ee ku haray gacanta Maleeshiyada Xasan Jaamici laga fara maroojin doono.

Taliyaha ayaa sheegay in diyaar garow buuxa ay ugu jiraan weeraro ka dhan ah mooryaanta dadka ku dhibaateeneysa Shalambood iyo Buulo mareer inay ka dul qaadaan shacabka ayna deegaanadaasi kusoo dabaali doonaan nidaam iyo kala dambeyn.

Mooryaanta ayuu ugu baaqay inay ka hoos baxaan Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici oo markaan ku jahwareersan qaabka uu u wajahayo dagaalada Ciidamada deegaanka kaga imaanaya.

“Shalambood meel u dhow ayaan joogaa hadii Xasan Jaamici uu meesha ku celin karo Mooryaanta ha sii joogo waan usoo soconaa, ha ogaado ha tashto ama ha fadhiyo shalambood kuma nagaan doono tii laga qabsado oo laga qabsado waaye” ayuu yiri Taliyaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “hada war nasoo gaaray ayaa jira oo ah in Xasan Jaamici uu baxsaday oo si dhuumaaleysi uu Muqdisho ku gaaray laakiin ha ogaadaano Mooryaanta dhuxusha u ah rasaasta deegaanka inaad dad la kireysto ahaataan geeri ayaad ku bedeleeheesiin caano iyo biyo ma idin kaga soo horeeyaan” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

“Awood Buufow iyo Ceel wareegow ay ku joogi waayeen makula tahay inay ku joogi doonaan Shalambood iyo Buulo adeer deegaankeena anagaa usoo tashanay baryo kuma qabsan doonnee awood ayaan ku qabsaheenaa” ayaa ugu dambeyn uu yiri Taliyaha Cidamada deegaanka Col. Maxamed Shekh Xasan.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli fashil uu soo wajahay maleeshiyada Xasan Jaamici oo dagaal qorsheeneysay inay ku qaadaan deegaanada Beesha Biimaal hase ahaate qorshayaashooda ay isku bedeleen inay ku jahwareeraan qaabka ay ku wajahayaan dagaalada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE