Daawo Sawirada Degmada Diinsoor Hal Bil Ka dib Markii lagala wareegay Dagaalyahaanada Shabaab

Degmada Diinsoor oo ah Degmada labaad ee ugu weyn Gobolka Baay Marka laga soo tago Baydho oo in ka badan sideed sano ay maamulayeen Shabaab ayaa hada waxaa si tartiib tartiib ah usoo laabanaya adeegyada degmada.

Degmadan ayaa 23kii bishii aynu kasoo gudubnay laga fara maroojiyey Shabaab si dagaal la’aan ahna isaga baxay ka dib markii ay soo wajaheen culeysyo xaga Milateriga ah oo kaga imaanayey Ciidamada Dowlada Fedaraalka iyo Kuwa amisom.

Markii gulufkaasi colaadeed uu ku wajahnaa Diinsoor ayaa waxa isaga barakacay inta badan shacabka degmada ku noolaa oo ka baqdin  qabay in lagu dul dagaalamo, kuwaas oo u baxsaday inta badan deegaanada ay isleeyihiin waad ku nabad heli kartiin.

Sawiro laga soo qaaday Degmada Diisoor oo si buuxda ay u maamulayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa amisom ayaa muujinaya in adegyada qaar ee degmada ay si caadi ah kusoo laabanayaan.

Diinsoor

Diinsoor1 Diinsoor2 Diinsoor3 Diinsoor4 Diinsoor5 Diinsoor6 Diinsoor7 Diinsoor8 Diinsoor92

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE