Gudoomiye Yariisow Oo Booqday Ganacsiga Suuqa Waa Cuneenaa oo uu Ka Socdo Gancsi Xawli ah (Sawiro)

Xilli Suuqa Gancsiga ee Magaalada Marka uu ku dhowyahay inuu xirmo ka dib markii Mooryaanta Marka ku sugan ay ganacsatada ku amreen inay magaalada usoo shaqa tagi karin ayaa Suuq u muuqda Mid sii baahaya uu ka furmay.

Suuqan ayaa lga doontaa guud ahaan adeegyada kala duwan ee Gancsiga sida khudaarta noocyadeed kala duwan iyo adeegyada daruuriga ah ee ay u baahanyihiin bulshada.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo hada ah kusimaha Xilka Gudoomiyenimo ayaa booqasho indha indheyn ah ku tagay Suuqa Waa Cuneenaa.

Gudoomiyaha ayaa ganacsatada u baaqay inay sii wadaan dadaaladooda ganacsi ee hada ay ka wadaan Suuqa, wuxuu ugu bishaareeyey inay dhawaan ay si xor ah ay ku tagi doonaa Suuqa weyne ee Magaalada.

Ganacsatada ayaa u sheegay inay haystaan amaan iyo nidaam ay ku ganacsan karaan iyagoo aan ka cabsi qabin in howlahooda laga hor istaago.

100_0395

100_0838 100_0839 100_0840 100_0841 100_0842 100_0843 100_0844 100_0845 100_0846 100_0847 100_0848 100_0849 100_0850 100_0851 100_0852

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE