Xaruntii Megda (Siwss kalmo) Oo Maalintii Labaad Laga Rarayo Agabkii Yiilay

Siday kusoo waramayaan dad Marka ku sugan oo si dhow ula socda dhaqa dhaqaaqa Xarunta hey’ad beeleed Swiss Kalmo ayaa soo sheegaya in Maamlintii labaad xaruntasi laga raraayo alaabta halkaasi ku jirata.

Habeen hore ayaa laga war helay Gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaan shandiyeeshe oo alaab tii ugu badneed ka qaadaya Guriga Xarunta Swiss kalmo oo hada isku bedeshay goob laga abaabulo dagaal dhul ballaarsiga ah ee ay kawadaan kaaba Mooryaanta shabeelada hoose.

Gob joogayaasha ayaa soo sheegaya in alaabla laga rarao xarunta Beeleeda la geynayo xaafadah bari ee Magaalada Marka oo la aaminsanyahay in lagu badbaadin karo alaabta hada la rarayo.

Sabab keenay arintan ayaa lagu micneeyey ka dib markii Kaaba Mooryaanta uu soo wajahay cabsi ku aadan in laga fara maroojin doona mama lasoo weerari doono dhismahaas oo ku yaal aga gaarka Dugsiga Srae ee Beeraha oo ku yaal Xaafada Horseed ee Magaalada Marka.

Kaaba Mooryaanta ayaa ka baqdin qaba in maalintay ahaataba la soo weerari doono xaruntan oo dadka deegaanka u diidayinay aayahooda ka tashataan.

Waxaa gabi ahaanba istaagay howsha halkaasi ka socotay oo shaqaalaha loo sheegay in shada ay istaagtay oo goobtaas ay heegan ugu jirto inay iska difaacdo weeraro ay sugayaan.

Waxaa horey u xirmay Isbitaalka Guud ee Degmada Marka oo hay’ad beeleeda Swiss ay xoog ku haysato ka dib markii Mooryaanta ay handadaad kula kaceen shaqaalaha halkaasi ka shaqeenayey, iyadoona si bareer ah u dilay Alllah u nxariis Dr Xuseen Fanaay oo ka mid ahaa Howlwadeenada Isbitaalka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE