Dhegeyso Wareysi aan la Yeelanay Wariye Aweys Ok oo Ka Sheekeenaya Xaaladaha Deegaano Socdaal uu Ku Marayo

Aweys Muumu Xasan (Aweys Ok) oo ka mid ah wariyeyaasha ka howgala Shabeelada hoose ayaa socdaal ku maraya degmooyin iyo deegaano ka tirsan shabeelada hoose oo ay ku suganyihiin Ciidamada deegaanka.

Aweys Ok oo hada gaaray Degmada Nambar 50 ayaa socdaalkiisa ka bilaabay deegaanka Gandaawi oo ah difaaca hore ee Ciidamada deegaanka halkaasi oo uu kasoo qaaday muuqaalo cabiraya feejignaanta Ciidamada iyo sida ay u sahlaneen in deegaankaas uu ka baxao gacanta ciidamada deegaanka.

Waxaa sidoo kale uu u kuur galay sida ay tahay noloasha dadka ku nool deegaanada ku yaal wada xiriirisa Shalambood iyo Muuri oo dagaalo xoogan ay ka dhaceen bilooyinkii lasoo dhaafay.

Isagoo ku sugan Nambar 50 ayaan la xiriirnay si aan wax badan uga ogaano xaaladaha uu kusoo maray dhulka baaxada leh ee indha indheenta uu ku maray iyo waxa uu kusoo arkay.

Hadaba Wareysiga aan la yeelanay Aweys oo aad u xiisa badan dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran