Gudoomiye Yariisow iyo Col. Maxamed Sheekh Oo Ka qaybgalay Aaska Haweenay Lagu Dilay Duleedka Marka

Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Yariisow iyo taliyaha Ciidamada Deegaanaka Col. Maxamed Sheekh Xasan ayaa gelin dambe ee shalay ka qayb galay aaska Haweenay ka mid ahayd dadka ku nool deegaan duleedka ka ah Magaalada Marka.

Mas’uuliyiintan ayaa booqday ehelada iyo dadkii ay ka geeriyootay haweeney oo lagu magacaabo Maamo Sahro oo kooxo hubeysan ay ku dileen Deegaanka Buulo Xamaali ee duleedka Marka.

Gudoomiyaha iyo taliyaha ayaa ka tacsiyadeeyey dilka Marxuumada oo habeen hore la dilay isla shalay galabtiina lagu aasay deegaanka dilka loogu geystay.

Mas’uuliyiinta amaanka ee deegaanka ayaa sheegay inay hayaan raadadka dadkii ka dambeeyey dilka haweeneyda ayna usoo qabteen hal ruux oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilka hadana ay ku raad joogaan kooxo kale oo la tuhmayo.

Waxay ku goodiyeen inay sharciga hor geeyn doonaan cidii ay ku cadaado ku lug lahaashaha dilkaasi.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyey dilka naxdinta leh ee deegaanka Buulo xamaali loogu geystay haweeneyda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE