Halkee ku dambeeyay halganka Sh.Hoose?(faalo dhab ka hadal ah, soona bandhigeysa xalka colaada Sh.Hoose)

labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ka socday gobolka Sh.Hoose kacdoon ku dhisan iskacaabinta dulmiga oo ay wadeen dadka Sh.Hoose, waxa uuna ahaa mid qeyb ka ahaa kuwo sanado ka horeeyay gobolka ka soo jiray.

Kacdoonkan ayaa ahaa mid looga soo horjeeday maleeshiyo huwan magac qabiil, kuwaas oo ka amarqaata kaabamooriyaan xoog ku heysta dhulbeereed ay leeyihiin dadka deegaanka iyo kuwo kale oo ay heyb qabiil wadaagaan oo jagooyin maamul oo been abuur ah gobolka ka sheegta.

Kacdoonkaas ma ahayn mid hubeysan oo kaliya ee waxaa barbarsocday mid kale oo ay hogaaminayaan aqoonyahano gobolka ka soo jeeda oo ku sugan gudaha iyo dibadda dalka oo lagu soo bandhigayay falalka guracan ee maleeshiyo beeleedaas ay gobolka ka wadeen.

Haddaba, waxaa is weydiin mudan: halkee ku dambeeyay kacdoonkaas, ma guuleystay mise waa fashilmay?

Si aan uga jawaabo su’aashaas waxaan sadarada soo socda ku qaadaa-dhigi donaa seddex arin oo muhiim u  ah ka jawaabidda  su’aalahaas, kuwaas oo kala ah:siduu ahaa xaalka gobolka Sh.Hoose dagaaladaas ka hor?’ Sidee yahay xaalka gobolka xilligan la joogo, maxay ahaayeen guulaha ugu muhiimsan ee ay soo hoyiyeen ciidamada deegaanka iyo maxay yihiin caqabadaha ka horyimid?.

Sidee ahaa xaalka gobolka Sh.Hoose dagaalada ka hor?

Ka hor dagaaladii dhacay bishii Maarso ee sanadkii 2013-ka deegaanada lagu dagaalamay ee gobolka Sh.Hoose waxaa ku ammar-taagleyn jiray kaaba-mooriyaanta Habargidir ee dhibaateynta dadka Sh.Hoose ku caan baxay, waxa ay doonaan ayey deegaanadaas ka sameyn jireen iyadoo aysan jirin cid kala xisaabtanta, falalkaas oo isugu jira dil, dhac iyo sheegasho jagooyin maamul oo been abuur ah.

Magaalada Marka gudaheeda iyo deegaanada ku hareereysan waxaa joogay Kaabomooriyaan gobolka caan ka ahaa sida liibaan Madaxey, Cabdi salaan, Maxamed Daahir-kii madaxda ka ahaa Cosov, Goobaale iyo kuwo kale, mid walba waxa uu gobolka guud ahaan iyo gaar ahaan deegaanada lagu dagaalamay ka waday falalka aan kor ku soo xusnay.

Hay’ad beeleedyada ay beeshaas leedahay sida; New way, Cosov, Swiss Kalmo iyo kuwo kale iyagana waxa ay gobolka gaar ahaa Markacadey iyo deegaanada ku hareereysan ka wadeen olole ay ku sameynayaan lacago lagu taageero howlaha gurracan ee ay wadaan kaaba mooriyaanta aan soo xusnay, xaruumahoodana waxa ay ahaayeen halka laga soo abaabulo maleeshiyada Habargidir, hubka iyo saadkana ay ka helaan, waxay hay’adahaas ku bixiyeen dagaalada lagu barakicinayo dadka u dhashay beesha Biimaal kumanaan doolar oo ay kaga soo qaateen hay’aha caalamiga ah in ay ugu gargaarayaan dadka tabaaleysan.

Waxa intaas dheer kuwo isku magacaaba beeraley oo xoog ku heysta beeraha dadka deegaanka oo iyaga sameystay maleeshiyo hubeysan oo maalin walba dhibaato ku haya dadka deegaanka ee ku nool tuuloyinka dhooboyada, kaabamooriyaantaas isku qariya magac beeraley waxa ay biyaha wabiga ka xireen beeraha dadka deegaanka,kadibna dalagyadii beeraha ka qalaleen, qaarna waxa ay ku dileen beerahooda, ujeedadoodana waxa ay ahayd in ay ka barakiciyaan dadkaas tuulooyinkooda, beerahoodana u xalaaleystaan.

Sidee yahay Xaalka, maxayna yihiin guulaha la gaaray?

Hadii aad dhego laab u duleela ku dhegeysato hadalkii uu warbaahinta ka jeediyay Imaamka Habargidir Khaliif Rooble dagaalada inta aysan bilaaban, kaas oo ay ka muuqatay qabweyni nacaseed iyo kibir iyo hadal calaancal ahaa oo ay dhowaan jeediyeen kaaba mooriyaanta Habargidir ee beeraha dadka deegaanka xooga ku heysta waxaad dareemeysaa guulaha ay soo hoyiyeen ciidamada deegaanka.

Ma aha inaan xaqiiqda ka been sheegeyno oo aan guulo been abuur ah idiin sawireyno, waa guulo la taaban karo laakiin dhinaca kale waxaan haddana qireynaa in aysan ku imaan ciyaar ciyaar oo ay jireen dhacdooyin xanuun badan oo la soo deristay dadka deegaanka, waxaan qireynaa in dadweyne rayid ah oo aan waxba galabsan ay dileen Mooriyaanta Habargidir, sidoo kalena gubeen tuulooyin tira badan, dad badan oo birimageyda ahaana ay dharaar cad dileen.

Khasaarahaas dadeed iyo hanti ee ka dhashay dagaaladaas waxaa mas’uuliyeeda qaadaya kaabamooriyaanta Habargidir ee dhibkaa geystay, waana lagala xisaabtami doonaa maalin, ujeedadoodana waxay ahayd in ay ku demiyaan kacdoonka markaa socday laakiin ma ku guuleysan isku dayadooda.

Guulaha la gaaray waxaa ka mid ah in 90% deeganada lagu dagaalamay ay maanta dib ugu soo noqdeen caganta ciidamada deegaanka, marka laga reebo qeybo ka mid ah Marka, Shalambood iyo tuulooyin dhaca dhooboyda, ciidamada deegaankana waxa ay ka soomiyeen maleeshiyada Habargidir wadada xiriirisa Xamar ilaa Shalambood, taas oo ka mid ahayd sababaha ay dagaalka markii hore u soo qaadeen.

Kuwa isku sheega beeraleyda ee Habargidir ee markii hore dagaalka huriyay, kuna riyoonayey in beeraha ay xooga ku heystaan dalagyada ka soo go’a ay aduunyada u dhoofiyaan,kumanaan doolarna ay ka helaan iyaga kibirkoodi waxaa jabiyay ciidamada deegaanka, waxayna maanta ku go’doonsan yihiin beeraha ay xooga ku heystaan, iyagoo maanta ku qeylinaya:Habargidirta dalka gudihiisa iyo dibaddiisa joogta hana soo gaarto.

Hay’ad beeleedyadii laga joogi la’aa gobolka sida Cosov iyo Swiss Kalmo waxa ay maanta marayaan mid albaabada la isugu dhuftay iyo mid xafiisyadeeda haawanayaan, kana fiirsanayaan madaxdeeda in ay gebi ahaan xiraan.

Geesta kale,guulaha la gaaray waxaa ka mid ah in la fashiliyay qorsha dhagareedka kaabamooriyaanta Habargidir ay u soo dhiibeen kuwo maqaarka sare ka ah dadka deegaanka, kuna calool ah kuwa dulmiga wada sida; Maxamed Xasan, Mcalin Barre iyo Ibarahim Cali Xaaji, ayna noqdeen kuwo gawaarida caasiyaasha ah ee jaadka ka raaca gobolka iyo kuwo habeen madow gobolka ka baxa iyo kumanaan doolar lagu leeyahay, kuwaas oo dhammaantooda hadda ku go’doonsan Hotel Wardheer ee Muqdisho ka dib markii beentoodi fashilantay.

Guulaha la gaaray waxaa cadeyn u ah in meel talaabooyin u jirta hoygii Nuur Jiido ee Shalambood uu taliye, halyeey Cabdulaahi Waafow uu fariin uga diray dhamaan dadka u nasabsheegta Habargidir, kuna yiri: waa dhowdahay maalintii ay ka bixi lahaayeen dhamaan kaaba mooriyaantiina gobolka, ee yeysan idin salfan,gobolka si nabad ah ha ugu noolaada,cid dhibaato idin geysaneyso ma jirtee.

Caqabadaha

Caqabdaha soo waajahay dadka waday halganka Sh.Hoose mudada labada sano ka badan, waxaa leysku dayay in iyaga leyska horkeeno, waxaa leysku dayay in cunaqabateen dhaqaale iyo mid warbahineed la saaro, waxaa leysku dayay in bulshada caalamka lagu diro oo lagu shaabadeeyo in ay Shabaab yihiin, laakiin dhamaan isku dayadaas way socon waayeen, waxaana mahadeeda leh odayaasha iyo taliyaasha ciidamada deegaanka oo uu aad u sareeyo garaadkooda iyo biseylkooda dadnimo iyo siyaasadeed, maantana dhamaan hogaamiyaasha kacdooda waxay isugu duuban yihiin si ka sareysa inta uusan bilaaban kacdoonka ka hor.

Halganka Shabeelada Hoose Waa uu guuleystay ee Maxaa xal ah hadda oo looga baaqsan karaa dhiig dambe?

Xalka waxa si cad looga dhehan karaa xalka waxa uu ku jiraa qudbadda taliye Cabdullahi Waafow uu ka jeediyay Shalambood oo ahayd: in dhammaan dadka u nasab sheegta beesha colaada wada ee Habargidir ay ka tanaasulaan dagaalka iyo anigaa kaa xoog badan, arimaha maamulka degmooyinka beesha Biimaalna ay faha kala baxaan gebi ahaan, beeraha dadka deegaanka ay leeyihiina ay ka baxaan, taas bedelkeedana dadka deegaanka aysan marna ku xadgudbi doonin dadka u dhashay beeshaas iyo hantidooda ay xalasha ku shaqeysteen, ayna yihiin dad walaalo ah oo uu nagala dhexeeyo soomalinimo, islaanimo, dhiig iyo dheecaan wadaaga.

Waxa uu xalka ku jiraa in hay’daha ay madaxda ka yihiin Kaabamooriyaanta Habargidir ay joojiyaan colaada ay hurinayaan, iyo lacagta dadka deegaanka loogu tala galay ee ay u adeegsanayaan in ku barakiciyaan, taas bedelkeedana dadka deegaanka aysan waxba ka qabin in hadii ay dhaqankoda bedelaan oo ay gutaan howsha ay ku magacaaban yihiin, dadka deegaankana ay ka siiyaan xuquuqdooda in aysan wax dhibaato ah uga imaan dooninka dadka gobolka si xor ahna uga howlgeli karaan.

Hadii intaas ay diidaana dagaalka waa sii soconayaa inta guusha kama dambeysta ah la gaarayo….

Maxamuud Ciise

jbiimaal@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE