Waa xagee Halka uu u Raray Kaaba mooriyaan Cali Cilmi Alaabtii Hay’ad Beeleeda Swiss Kalmo (Xog)

Sidaan aan ugu baahinay wararkeena laba maalin ayaa alaabtii ugu badnayd waxa laga raray xarunta hay’ad beeleed swiss kalmo ee ku taala xaafada Horseed ee Magalada Marka.

Markanews ayaa u kuurgasay meesha la geeynayo alaabtaasi iyo waxa lag damacsanyahay.

Sida ay sheegeyso xogta aan heleyno alaabtaas ayaa loo raray Dugsigii Sare ee Fareena oo ku yaala Xaafad Ruusiyo ee Marka halkaas oo horey ay u degeneyd isla hay’ad kale oo ay heysteen kaaba Mooryaanta oo goor sii horeysay tareenka uga dhacday.

Kaaba Mooryaanta oo ugu horeeyo Cali Cilmi ayaa lafaha Swiss oo dadka lagu gumaado ku aamini waayey goobta ay hada xooga ku joogaan oo sida muuqata looga cabsi qabo dagaal maadaam goobtaa ay isku bedeshay meel laga abaabulo dagaalada dulmiga ah kaaba Mooryaanta ay ka wadaan shabeelada hoose.

Iyadoo mar hore ay istagaeen adeegyadii dadka lagu marin habaabin jiray ayaa shaqaalaha xaruntaasi ka howlgala loo sheegay in howshooda ay istaageen.

Kaaba Mooryaanta Swiss xooga ku heysta ayaa ku caaanbaxay hurinta dagaalada iyo colaada shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE