Wararii Ugu Dambeeyey Dagaal ka Dhacay Duleedka Afgooye

Dagaalyahaanada Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaano duleedka ka ah degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada fedaraalka.

Deegaanada Caanoole iyo Mareeray oo aad ugu dhow Afgaaye ayaa shabaabku ku qabsadeen dagaalkii ay kusoo qaadeen ka dib markii ay kala ceyriyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada fedaraalka.

Dad ku sugan Deegaanada shabaabka dagaalka kula wareegeen ayaa warbaahinta u sheegay inay arkayeen ciidamo shabaab ah oo xalay wareegayey xaafadaha deegaanada caanoole iyo mareerey.

Maamulka Gobolka shabeelada hoose oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa ku tilmaamay mid culus oo ciidamada dowlada ku qasbay inay ka baxaan difaacada ay ku jireen, hase ahaatee uu maamulku sheegay abaabul ka dib ay dib ugu laabteen deegaanada lagala wareegay.

Gudoomiye ku xigeenka xaga dhaqaalaha ee Maamulka Shabeelada hoose C/fataax Xaaji Cabdule oo warbaahinta ka hadlayey ayaa sheegay in deegaanadii xalay ay la wareegeen shabaab hada ay dib ugu laabteen ciidamada Nabad sugid iyo kuwa Milateriga ee dowlada fedaraalka.

Dagaalyahaanada shabaab ayaa gacanta ku haaya deegaano badan oo ku yaala shabeelada hoose gaar ahaa inta u dhaxeysa Janaale ilaa duleedka Afgooye waxaana inta badan weeraro ay ka qaadaan deegaanadaasi ay ku weeraraan duleedka Afgooye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE