Dhegeyso Col. C/risaaq “Dad Dicaayado rakhiis ah Laga Faafiyo Waan Waan ka Weynnahay”

Col. C/risaaqMaxamed Cali oo Ka mid ah saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay u furantahay wadada xiriirisa shalambood ilaa iyo Muuri oo ay si buuxda u maamulaan Ciidamada deegaanka.

Waxa uu sheegay in Ciidamada deegaanka ay ka weynyihiihn dicaayado rakhiis ah dad laga fidiyo, ayna balan qaadayaan amaanka wadada iyo cid kasta oo danaheeda ku fushineysa.

C.risaaq ayaa baaq u diray qab qablayaasha Mooryaanta habar gidir oo weli damac ka leh inay gaaraan himiladooda ah gumaadka shacabka.

Mar uu ka hadlaayey safar la sheegay in dhawaan shabeelada hoose ay kusoo socdaan wafdi ka socda Koonfur galbeed ayuu uga digay inay dadka ku qasbaan Maamul aan laga ahayn, taas ayuu ku tilmaamay dagaal hor leh iyo kacdoon shacbi oo weli aan la arkin inuu dhici doono.

“Xasan Cumaey waa walaalkeen anagu ma diidani mana diidi karno waa nin deegaanka wax ku leh, war intaad dadkaaga dhex timaado hogaami haday ku diidayaan arag, laakiin waan diidnay Maamul Mahad indha cade iyo Xbad jilibey uu ku jiro” ayuu yiri Col. C.risaaq.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE