Dhegeyso Maxkamada Ciidamada Deegaanka oo Lagu dhawaaqay iyo Hadalo kala duwan oo laga jeediyey Goobta Maxkamada Looga dhawaaqay

Culimada deegaanka, Odayaasha dhaqanka, Taliyaha Daraawiishta iyo Gudoomiyaha Maamulka degmada Marka ee booqday Difaaca deegaanka Gandaawi ayaa soo saaray amar culus oo la dul dhigay Ciidamada deegaanka saraakiishooda.

Hogaanka deegaanka ayaa ku dhawaaqay Taliyaha Maxkamada Ciidamada deegaanka oo loo magacaabay Xasan Sheekh Axmed Kuulaale, waxaana goobta looga dhawaaqayey Maxkamada ka hadlay Culimada, Odayaahsa iyo Hogaanka deegaanka.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay ilaa 8 qodob oo cidii lagu arko la waafajin dono sharciga Islaamka, dadka goobta ka hadlay waxaa ugu horeeya Sheekh Nuur Geele waxaana ugu dambeeya Gudoomiye Yariisow.

Dhegeyso

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran