Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Diinsoor

Wafdi uu hugaaminayo Madaxweynaha Dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekha Maxamuud ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa inta uu kusii jeeday Diinsoor waqti kooban ku joogay Magaalada Baydhabo halkaas oo uu kasii raacay diyaaradii siday Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa lagu wadaa inay kulamo kala duwan halkaasi ay kula qaataan Saraakiisha Ciidamad Amisom iyo kuwa dowlada fedaraalka oo dhawaan halkaasi kala wareegay Dagaalyahaanada shabaab oo in ka badan sideed sanadood maamulayey.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka koonfurgalbeed Sahriif Xasan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ku tagaan Diinsoor.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE