Daawo Sawirada Wadada Soo Gasha Marka Oo Xiran iyo Dhoobo Far badan Oo Dhex ceegaagta Wadada dhexdeeda

Maalmahan roob lagu diirsaday oo xiliga xagyga ah ayaa ka da’aya Shabeele hoose, waxaana roobabka da’aya ay saameen ku yeesheen wadada xiriirisa Marka iyo Shalambood.

Waxa Xirmay oo gaadiidka kuwa xamuulka iyo kuwa rakaabkaba ay ka istaageen wadada soo gasha Magaalada Marka, gaadiidka ayaa ku xayirana deegaanka Ceeljaale.

Biyo dhoodo ah ama dhiiqo oo kasoo rogmaday dhanka buuraha waqooyi/galbeed ee wada ayaa soo buuxdhaafiyey wadada aada Shalambood ee Marka ka baxda halkaas oo ay ku dhibanyihiin gaadiidka.

Biyaha kasoo rogamada Buraha ayaa qaarkood ku dara Badda waxaana ay sameysteen dooxyo ay maraan sida aad ka arki kartaan sawirada hoose.

Markanews oo isku day sameysay ayaa booqatay goobta ay wadada ka xirantahay ilaa halka ay biyaha kasoo rogmadaan iyo halka ay kaga daraan bada, sida ay tahay wadada.

Waxaa halkaasi aan kula kulannay sii haayaha xilka gudoomiyenimo ee Magaalada Marka oo xiligaas u kuurgalayey dhibaatada wadada ka jirta.

Gudoomiaye Maxamed Cusmaan Cali Yariiow ayaa ka deyriyey xaalada wadada isagaoo ugu baaqay dadka waxa baxsada ee samafalka ah inay shacabka uga faa’ideeyaan sameenta wadada soo gasha Marka oo hada go’an.  DSC00031

DSC00032 DSC00038 DSC09980 DSC09981 DSC09982 DSC09983 DSC09984 DSC09985 DSC09986 DSC09987 DSC09988 DSC09989 DSC09990 DSC09991 DSC09992 DSC09993

DSC00010

DSC00008

DSC09994 DSC09995 DSC09996

DSC00002

DSC00004

DSC00003

DSC00001

DSC00035

DSC09997 DSC09998 DSC09999

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE