Deg Deg Nabadoon Tima Guduud Oo Goordhow Xuriyadiisa Dib U helay

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in nabadoon Maxamed Abuukar Tima Guduud laga sii daayey xabsiga.

Odayaal uu ka midyahay Ugaaska Beesha Biimaal Ugaas Axmidey Ugaas Siid Cali oo waayadan dadaal ugu jiray sidii xuriyadiisa uu dib ugu heli lahaa nabdoonka ayaa inoo xaqiijiyey in wax yar ka hor salaada Maqrib xabsiga laga daayey.

Nabadoonka ayaa markii lasii deenayey weydiistay in loo sheego wax loo xiray iyo Maxkamad la’aanta la sii daayey.

Sida aan kasoo xiganay odayaasha nabadoonka ayaa loo sheegay inuu ku xirnaa tuhun iyo warar been abuur ah oo laga soo gudbiyey taas ugu dambey beenowday.

Mudo 30 Habeen ah ayuu xabsiga ku jiray Nabdoon Maxamed Abuukar Tima Guduud.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa Wareysi iyo warbixino la xiriira Xarigiisa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE