Odayaash Dhaqanka ee Beledweyne Oo Cambaareeyey Dil Loo geystay Nabadoon Caan ahaa

Odyaasha dhaqanka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa cambaareeyey dil magaaladaas maalintii shalay loogu geystay Nin nabadoon ahaa.

Odayaasha ayaa maamulka ku eedeeyey in ay dayaceen amaanka Odayaasha la shaqeeya Maamulka oo maalin kasta layska tooganayo.

Nabadoon Dacar Nuur Xirsi oo ka mid ah odayaasha Beledweyne ayaa tilmaamay in Beledweyne aysan ahayn goob nabdoon.

Magaalada Beledweyne ayaa lagu toogtay nabadoon caan ah maalintii shalay kaas oo noqonaya kii 29aad oo lagu tagu toogto Beledweyne iyadoo aanay jirin cid weli soo qabatay kooxaha wax tooganaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran