R/wasaaraha Oo Booqasho Ku Tagi Doona Magaalada Kismaayo

Wafdi uu hugaaminayo R/wasaaraha xukuumada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka jubbland.

Socdaalka wafdiga ayaa lagu micneeyey sii wadida dadaalada lagu doonayo in lagu soo afjaro muranka baarlamaanka maamulkaasi.

R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa gudi wasiiro ah u xil saaray xalinta muranada iyo tabashooyinka ay qabaan Beelaha dega Jubbooyinka.

Siday kusoo waramayaan dad ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in diyaar garow uu ka socdo magaaladaas oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo Wafdiga r/wasaaraha oo ay ku wehliyaan gole wasiiro oo ka tirsan xukuumada fedaraalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE