Ujeedada Safarka Madaxweyne Shariif Xasan Ee Ceeljaale (Xog)

Waxaa maanta dibu dhac uu ku yimid safar Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku imaan lahaa duleedka Marka ee deegaanka Ceeljaale.

Safarka Madaxweynaha oo lasoo sheegayo inay wehliyaan wasiiro ka tirsan kuwa kasoo jeeda Shabeelada Hoose iyo maamulka degmada Marka oo ay ka socdaan Xasan Cumrey iyo ku xigeenkiisa dhanka maaliyada Amiin Boobow ayaa weli kala cadeen xiliga uu imaan doono hasee ahaatee warar ayaa sheegaya inay suuragal tahay in maalinta berita ah ama maalinta xigta ee Sabti uu soo degi doono walow ay suura gal tahay in gabi ahaanba laga tanaasulo qorshaha safarka.

Madaxweyne Shariif ayaa kulamo la qaadan doona Waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala tashan doono arimo kala duwan.

Xog ay heleyso Markanews ayaa sheegaysa in Madaxweynaha halkaasi uu ku sugi doono Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed Gen. C/laahi  Macalin Siid Axmed Waafow oo kulan gaar ah ay yeelan doonaan.

Safarka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Ethopia oo la wareegi doona howlgalka Amisom ee Shabeelada Hoose oo hada ay ku magacaabanyihiin Ciidamada ka socda Uganda.

Shabeelada Hoose ayaa laga reebi doona qeybtii ay ku wada jireen Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhexe oo hal goob laga maamulayey sanadihii lasoo dhaafay.

Shacabka ayaa siyaabooyin kala duwan ku micneeyey safarka Madaxweyne Shariif, shacabka ayaa aad u tuhunsan in safarkan uu waxba ka duwaneyn safaradii hore ee madaxda dalka ay ku imaan jireen Shabeelada Hoose oo aan waxaba ka dhaqan galin halka qaarkood ay ahaayeen kuwo lagu tijaabinayey hadafka dadka deegaanka.

Hadaba waxaan soo gudbin doonnaa wixii warbixin ah oo la xiriira Safarka Madaxdweyne Shariif.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran