Wafdi Uu Hugaaminayo Shariif Xasan Oo Maanta Kusoo wajahan Ceeljaale

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hugaaminayo ayaa lagu wadaa inay Maanta soo gaaraan deegaankaCeeljaale ee Duleedka Marka.

Safarka Madaxweynaha ayaa sida la sheegay noqon doona mid diyaarad uu ku imaan doono Ceeljaale taas oo kasoo qaadeysa Muqdisho oo uu shalay soo gaaray.

Waxaa safarka ku wehliya sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Mas’uuliyiin kale oo deegaanka kasoo jeeda.

Ujeedka Safarka Madaxweynah weli lama cadeen, hase ahaatee waxaa soo baxaya wara kala duwan qaarkood ayaa sheegaya in ujeeda safarka wafdiga ay tahay inuu hakiyo colaada deegaanka kusii kordheysa, halka warar qaarna ay sheegayaan inuu kulamo wada tashi ah la yeelan doono Odyaasha deegaanka oo uu kala hadli doono rabitaankooda iyo siday u arkaan Maamulka Mahad Indha cade iyo Xabad Jilibey.

Lama xaqiijin in Maamulka Marka uu qayb ka yahay safarka balse waxa jirta tuhun ku aadan inuu imaan doono walow aan la ogeyn.

Waxaa laga yaaba in Deegaanka Ceeljaale sidoo kale maanta uu soo gaaro Taliyaha Ciidamada daraawiishta Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Gen. C/hi Cali Axmed Waafow.

War aan helnay ayaa sheegaya in Wafdiga ay ka laaban doonaa isla ceeljaale marka ay la kulmaan dhinacyada halkaasi ugu balansan.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran