Is-rasaaseyn xoog leh oo Ka dhacday magaalada Marka

Wax yar ka hor waxaa ka dhacay gudaha magaalada Marka dagaal kooban oo dhex maray ciidamada deegaanka ee ku sugan xaafadda Buufow iyo Maleeshiyada Hay’ad beeleedka Swiss Kalmo oo weerar soo qaaday.

Is-rasaaseyn xoog leh oo mudo kooban qaadatay ayaa labada dhinac ku dhex maray agagaarka kawaanka Xaafadda Buufow ee gudaha Marka.

Warar aan ka soo xiganay dad goobjoog ahaa ayaa noo xaqiijiyay in maleeshiyada Habargidir ee Swiss Kalmo in dib loo celiyay, halkaasna looga  dilay mid ka mid ah maleeshiyadooda.

Israsaaseynta ayaa hadda joogsatay,mana jirto wax qasare ah oo soo gaaray dhinaca ciidamada deegaanka.

Ma aha markii ugu horeysay ee dagaal noocaan ah uu ka dhaco gudaha magaalada Marka,usbuucyo ka hor ayey ahayd markii laba dhinac ay ku dagalameen gudaha Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE