Dabeylo Maanta Ku Dhuftay Duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in aroornimadii saake halkaasi ay ku dhufteen Duufaano xoogan oo burbur guryo geystay.

Ku dhawaad 100 guri oo qaarkood ay yihiin Jiingado iyo kuwo ka sameysan dhagxaan ayaa lagu soo waramayaa in bur bur uu soo gaaray.

Dad la hadlay warbaahinta islamrkaana waxyeelo ay kasooo gaartay duufaanta maanta ayaa soo sheegaya in tani ay tahay tii ugu horeysay oo ay ku arkaan xafadahooda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE