Gudoomiye Yariisow Hadii U Wareejiyo Xilka Gudoomiyenimo Muxuu Qaban Doonaa (Xog Cusub)

Maamulka Xasan Cumrey ayaa lagu wadaa inuu yimaado Magaalada Marka si uu ula wareego xilka Gudoomiyenimo, waxaana si xoogeysanaya imaatinka Maamulka walow aan la xaqiijin xiliga uu imaan doono.

Waxaa hada xilkaas ku magacaaban oo sii haaya Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo mudo ka badan laba sanadood haaya xilkaas.

Gudoomiye Yariisow waxa inta badan inta uu xilka haayey majaxaabiyey dagaalada Mooryaanta ay ku diidanaayeen maamulkiisa iyadoo siyaasado kala duwanna loo adeegsaday in fadhiid laga dhigo Maamulkiisa lagana hor istaagay howlo badan oo uu qaban lahaa.

Yariisow ayaa ku qanacsan sida marar badan uu sheegay inuu wareejiya xilka hada uu haayo hadii uu yimaado Gudoomiye Xasan Cumarey oo weli Magaalada ka maqan.

Xog cusub oo ay heleyso Markanews ayaa sheegeysa in Gudoomiye Yariisow loo wado in loo magacaabo xil culus oo uu ka qaban doono Magaalada Marka.

Xilka uu qaban doono Gudoomiye Maxamed Yariisow ayaa la tilmaamayaa in dhow xil la saadaalinaayo, waxaana si aad ah loo saadaalinayaa in loo dhiibo mid ka mid ah xilalka hay’adaha amniga.

Xogta ayaa sheegaysa inay suuragal tahay in loo magacaabo Taliyaha Nabad Sugida Magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE