Suldaan Ibrahim Cali Xaaji oo ku soo noqday Muqdisho iyo xog ku saabsan tirada Xildhibaan ee uu uga keenay beesha Biimaal maamulka K.Galbeed

Waxaa maalintii shalay ahayd ku soo guryo noqday magaalada Muqdisho Suldaan Ibraahim Cali Xaaji oo mudadii ugu dambeysay ugu maqnaa magaalada Baydhabo howlaha soo xulista baarlamaanka K.Galbeed.

Ibrahim Cali Xaaji ayaa markii hore ee uu u baqoolay Baydhabo aysan haba yaraatee la socon odayaal ama siyaasiyiin mug leh oo ka soo jeeda beesha Biimaal oo gacan ka siin kara sidii xaqa beesha looga soo dhicin lahaa maamulka K.Galbeed, waxa uuna gebi ahaan asiga isku kooban arintaas.

Warar aan ka heleynay intii uu ku maqnaa Baydhabo ayaa sheegayay in Suldaan Ibrahim uu ku soo koobay dalabka xildhibaanada beesha Biimaal ee degta koonfur Galbeed tiro u dhexeysa todobo ilaa sagaal xubnood taas oo dad badan oo u dhashay beesha ka careysiisay, laakiin markii shalay uu soo noqday waxaa cadaatay in uu beesha u soo qaaday 8 xubnood oo kaliya.

Wararka aan heleyno ayaa intaa ku daraya in Ibrahim uu durba 8 xildhibaan u qeybiyay rag ay asiga saaxiibo dhow yihiin, ama isbahaysi uu ka dhaxeeyo.

Suldaan Ibrahim ayaa lagu eedeeyaa in uu asiga kaliya isku koobay go’aan ka gaarida arimaha masiiriga ee beesha Biimaal, taas oo dhaawac aan laga soo kabsan karin gaarsiisay beesha, keentayna in xuquuqdeeda siyaasadeed si joogta ah loogu tunto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE