Askari Ka Tirsan Ciidamada Deegaanka Oo U Gacan Qaaday Wasiir Maxamed Xasan.

Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Maamulka Koonfurgalbeed ayaa gacan ka hadal maanta kala kulmay Askari ka tirsan Ciidamada deegaanka.

Gacan ka hadalka ayaa waxa sababay ka dib markii Fiqi uu soo dhex galay goob ay buuxeen shacab careysn uu halkaasi fiqi ka yiri “dadkaad dhibsateen Markaa loo kaxeeyey ee adinka la kulma Madaxweynaha”.

Hadalka oo aan afkiisa ka dhamaan ayaa waxa ku leetiga qabtay Askari meesha ka dhawaa oo ku qeylinayey “Mooryaan Xabad Marka ku imaanweysay ayaad hada na leedahay markaan u dirnay”.

Waxaa meesha ka dhashay buuq iyo fowdo oo Wasiir fiqi ku qasabtay inuu ku laabto xerada Ciidamada amisom oo markii hore uu kasoo baxay ka dib markii laga fujiyey askarigii ku dhegey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran