Dareen Caro Leh Oo Ka Dhashay In Gudoomiyaha Cusub Ee Degmada Marka Xasan Cumareey Ay Soo Raacaan Kaabo Mooryaanta Habargidir Ee Kala Ah Mahad Indhacadde Iyo Cali Nuure

Dadweynaha degmada Marka iyo deegaanada ku hareereysan ayaa aad uga carooday in gudoomiyaha cusub ee degmada Marka Xasan Cumareey uu hal diyaarad la soo raaco niman mooryaan dhiig cab ah.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceeljaalle ayaa banaanbax sameeyey kadib markii ay garoonka Ceeljaalle ay ka soo degtay diyaarad siday Xasan Cumareey oo ay weheliyaan mooryaanada dhiig cabka ah ee kala ah Cali Nuure (Cali Takfiir) iyo Mahad Indhacadde.

Reer Ceeljaalle oo aad uga careysan ficilka uu sameeyey gudoomiyaha cusub ee degmada Marka ayaa banaan baxyo kala hortagay diyaaraddii siday Xasan Cumareey iyo mooryaanta la socotay, waxayna diideen inay soo dhaweeyaan gudoomiye Xasan Cumareey maadaama ay wehelinayaan kaabo mooryaantii xasuuqday shacabka beesha Biimaal.

Gudoomiye Xasan Cumareey iyo mooryaanada kala ah Cali Nuure iyo Mahad Indhacadde ayaa in muddo ah ku xayirnaa saldhigga AMISOM ay ku leedahay Ceeljaalle ilaa ay ka soo cagadhigato diyaarad kale oo iyadana siday madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadam, Ibraahim Cali Xaaji, Maxamed Xasan Faqi iyo kooxo kale.

Socdaalka Shariif Xasan ayaa u muuqdo mid ay ka soo shaqeeyeen mooryaanta Habargidir oo maalmahaan raadinaayey siyaasad ay ku joogaan gobolka Sh/hoose maadaama ay ka quusteen inay dadka deegaanka ku maquuniyaan magac iyo hub dowladeed.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE