Wasiirada Beesha Biimaal iyo Suldaankooda Maxaa Maanta Ka reebay Socdaalka Shariif Xasan “Saan lee makacabsaheeninoo hadii aan bixi lahayn”

Sida la wada ogyahay dhawaan waxa Baydahaba ka yimid Odayaasha fadhigoodu yahay Muqdisho kuwaas oo ku howlanaa qaybsiga tirada xilibaanada Baarlamaanka Koonfur galbeed.

In ka badan laba usbuuc waxa la sugayey in Odayaashaas ay ka mid noqdaan socdaalka Madaxweyne Shariif uu ku tagi lahaa Ceeljaale iyo Marka si ay goob jooga uga noqdaan dhameystirka barnaamijka ruwaayadeedkii ay soo wadeen.

Wasiirada qaarkood ayaa diyaar u ahaa inay Madaxweyne Shariif u raacaan safarka halka qaarkoodna ay ka fiirsanayeen safarka.

Odayaasha oo ka warqaba wajigabaxii ay kala kulmeen safarkii dhameystirka heshiiskii Afgooye loogu magac daray ayaa iska diiday inay mar kale u safraan dhul wiil Biimaal uu qori ku heysto.

Odayaasha waxay si cad u sheegeen inay fashilmeen dhowr kaarto oo horey ay ula shirtageen islamarkaan fashilkii hore mid la mid ah ay diyaar u ahayn.

Maxamed Xasan Fiqi oo is xariifianyey ayaa ogolaaday inuu horgalayo Wafdiga, halka Ku xigeenka wasiirka arimaha gudha uu ka dhuuntay gudaha Garoonka ka dib markii loo sheegay in Odyaasha ay ka gadoodeen wajiyada safarka ku jira.

Odayaasha muqdisho ayaa si dhow ula socda siyaasada deegaanka iyo tan iyaga ay ku dhaqmaan hadii ay raacaan safarka ay noqon doonaan kuwa meesha ka soo qaada waji gabax iyo ceeb aan ka hareyn.

Wasiirada qaarkood oo maankooda ay ka guuxeyso kala orodkii ka raacay safar ay ku joogeen Marka oo kala dhuunteen ayaa haatan kusoo dhiiran waayey inay horyimaadaan Shacabkii ay beenta u sheegeen weliba ay ku qayaaneen kulamo been abuur ah.

Cabsida jirtay ee ay qabeen Odayaasha Muqdisho iyo Wasiirada qaarkood ayaa maanta qabsatay Safarkii Shariif xasan, waxaana si kaftan ah ay u yiraahdeen “Saanlee maka cabsaneeno, hadii aan bixi lahayn inay na qabsalaheed ma diidee”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran