Caawa Yaa Marka ku Hoyday, Yaase Muqdisho Dib Ugu Laabtay (Warbixin).

Safar Intiisa badan maanta kusoo gabagaboobay waji-gabax ayaa waxa Marka kusoo gaaray Wafdi isugu jira kuwa ka socda Dowlada Fedadaalka iyo Maamulka Koonfur galbeed.

Dowlada dhexe ayaa waxa ka socday wasiirada haweenka, qoyska iyo xuquul insaanka, Madaxa Gudiga difaaca Baarlaamanka Xilibaan Xuseen Carab Ciise iyo Mas’uuliyiin kale.

Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed waxa ka socday Madaxweyne Shariif, Wasiir Fiqi, Wasiirka arimaha gudaha k/galbeed, Kaaba Mooryaan C/naasir Cabdi caruush, Kaaba Mooryaan Cali nuur, Saraakil ka socota Amsiom iyo laba xubno oo ka tirsan Maamullka Magaalada Marka oo kala ahaa Xasan Cumarey iyo ku xigeenkiisa dhanka Maaliyada Amiin boobow.

Wafdiga ayaa gudaha u galay Marka siday soo sheegayaan dadka Marka ku sugan waxaana xarunta Dowlada hoose ay kula kulmeen dad tira yar oo magaalada laga soo kala bixiyey mana jirin dad deegaanka ku abtirsada oo Maanta shirkaas ka qayb qaatay.

Inkastoo hadalo mas’uuliyadi ka muuqato ay u sheegeen dadkii loo keenay ayna dhegeysteen ayaa hada marnaba aan lasoo hadal qaadin colaada deegaanka ka jirat iyo dhibaatada ay iska kaashanayaan Amisom iyo Mooryaanta Marka ku go’doonsan.

Xili saacada geeska afrika ay ku beegneyd 5tii galabnimo ayaa Marka waxa ku haray Gudoomiye Xasan Cumarey, Kaaba Mooryaan Cali Nuure iyo Amiin Bobow waxaana dib u laabtay wafdiga intiisa kale.

Dadka Marka ku sugan ayaa soo sheegaya in Gudoomiye Xasan Cumurey iyo ku xigeenkiisa ay caawa ku hoyanayaan Xarunta Dowlada hoose ee Magaalada Marka halka Cali Nuure oo isagana uu ku hoyanayo Gurigii uu qabsaday bartamihii sadanii 2014kii xiligii uu ahaa Shabelle state kaas oo ku yaala Wadad wajeer ee Magaalada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran