Farqiga U Dhaxeeya Soo Dhaweyntii Beri Hore ee Shariif Xasan iyo Tii Shaly ee Shabeelada Hoose (Sawiro)

Maalin khamiis ah Taariikhda Miilaadiga ay ku beegneyd 2dii bishii Apriil ee bilowgii sanadkan ayaa waxa socdaal Shabeelad hoose kusoo gaaray Wafdi uu horkacayey Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Koonfur galbeed.

Socdaalka oo dhinaca dhulka ahaa ayaa kasoo bilowday Degmada Nambar 50, soo dhaweyn mug iyo miisaan leh mudana lagu howlahaa, Ciidamada deegaanka oo isugu jira Boliis iyo Nabad sugid oo darees askareed labisan ayaa salaan u saaray Madaxweyne Shariif.

Waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay Nambar 50 ka heleen soo dhaweyn ay weli ka helin inta deegaan ee ay booqashada ku taeegn iyo tan iyo doorashadiisa ilaa maanta.

Hadal kooban Oo maalintii Nambar 50 oo uu ka jeediyey mid ka mid ah wasiirada Koonfur galbeed ee sida isbaara qaadka loogu magacaabay xilka Dib u heshiisiinta iyo arimah dastuur Caraale ayaa ka yiri “Hadii reer shabeelada hoose laga aaminsanaa inay dowlad diid yihiin ishaa macalanin ah”.

Hadalka caraale oo ujeedada hadalkiisa ay fogeyd ayaa taabanayey sida isaga iyo kaaba mooryaano kale looga horymid damaca waalan oo mid maamul mooryaan iyo dowlada ku qaraabasho ay ku doonayeen inay kuq absadeen shabeelada hoose.

Muuqaal afarxad leh weliba dhoola cadeentiisa wata ayaa laga dheehanayey wajiga Madaxweyne Shariif oo markaas ay bar bar fadhiyeen Wasiiro iyo salaadiin.

Marka ayuu soo gaaray isla tii ka dhacday Nambar 50 mid la mid ah ayaa loo sameeyey waxa loo garaacay astaanta Calanka, waxaana loo muujiyey in loo baahi qabay safarkiisa lana sugayey.

Dadka sidaa sameenayey ma aheyn kuwoo lasoo qasbay iyagaa doonayey in madaxweynahooda ay soo dhaween u sameeyaan ayey fagaarayaasha soo dhoobteen laakiin shacabka ma dareensaneen in Madaxweyne Shariif jilaafeyn doono halgankooda weliba uu lasoo bixi doono khiyaano.

Maamlintii shalay deegaanka Ceeljaale ayuu yimid Madaxweyne Shariif halkii uu ka sugayey soo dhaweyn waxa uu kala kulmay qiica Guume ama taayeer la gubay oo weliba Ookiyaale uu ka xirtay qiica.

Isagoo wajigiisa laga dheehan karo inuusan ku qanacsaneen waxa dhacay ayaa Madaxweyne Shariif uu hor istaagay Shacab mudaaharaadayey weliba ka hor sheegay in isaga iyo maamulkiisa ay ka shaqeenayaan wax aan u cuntumin dadka deegaanka.

Shacabkaas waa kuwii hore ee soo dhaweenta u sameeyey Madaxweynaha weliba caleemo qoan kusoo dhaweeyey Salaana uu ka qaatay wiilasha ay dhaleen dadkaasi.

Waxa ay diidanaayeen ayaa aheyd hagar damada shariif iyo maamulkiisa.

Odayaashii soo galbiyey ayaa kala dhuuntay oo safarkiisa ka cadur daartay halka qaarkood ay ku dhuunteen markii garoonka la yimid.

Soo dhaweyntii hore.

DSC03376

DSC03378 DSC03391

index

Soo dhaweyntii shalay.

DSC00078 DSC00080 DSC00059 DSC00060 DSC00052 DSC00054

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE