Cali Nuurow Waxa Naga Su’aal ah yaa Marka Burburiyey?.

Sida laga wada dheregsanyahay Magaalada Marka waxa ka shaqeenayey Maamulo Dowlada fedaraalka ay usoo magacaawday dhamaadkii sanadii 2012kii markii lagala wareegay Shabaab ilaa haatan laba maamul ayaa soo maray.

Maamulada ayaa sida cad waxa soo dhisanayey Kaaba Mooryaano dano gaar ah ka lahaa maamuladaas hogaankooda iyadoona qayb ay ka ahayeen kaab mooryaanta mana jirin cid lagala tashanayey magacaabista maamuladaas.

Markii mid walba ay ka waayeen danihii iyo ujeedadii ay meesha u keeneen uuna ka horymid hadafkooda guracan ayaa la siibayey si loo keeno shakhsiyaad kale oo ay ku adeegtaan oo deegaanka sheeganaya.

Su’aal kama taagna in Marka ay ahayd Marko loo saa aadi jiray ganacsi iyo nolo wanaagsan weliba bulshada ay ahayd mid isdhaxgalkeeda uu meel sare yahay.

Bilowgii sanadii 2013kii ayey ugu horeysay dagaalo, waxa soo weeraray kaaba mooryaan Liibaan Madaxey oo diidanaa in uu arko dadkii deegaanka oo qori heysta magaaladana Maamul ka ah, isku dayo badan oo Liibaan uu damacsanaa ayaa fashilmay, Marka ayaa maalintaas wixii ka dambeeyey marti gelineysay dagaalo iyo dhibaatooyin bulshada ku cusbaa.

Mas’uuliyada dhibaatooyinkaas waxa lahaa Kaaba Mooryaano Cali Nuure ay isku beelyihiin oo Umada u diiday inay Maamulkooda u madaxbanaanaadaan hormarkana ay ka shaqeeyaan.

Maalintii Marka laga qabsanayey Maamulkii Yarisow 9-6-2014kii Maleeshiyadii Shabelle State waxa kaaba mooryaano ka ahaa Cali iyo mooryaan kale, maalintaas ayaa si cad meesha looga saaray awoodii deegaanka lana soo afjaray wixii horumar ahaa oo shacabka ay hiigsanayeen.

Hada in Warbaahinta uu ka sheego amaanka halaga shaqeeyo, hormarka hala sii wado iyo erayada lamidka ah yaa Ka dhegeysanaya Kaaba Mooryaan Cali Nuure sababtoo ah isagaa Mooryaantiisa faray inay dadka dhibaateeyaan barakacana sabab u noqdaane.

.Waxa su’aal iga ah Mooryaanta aad shalay Magaalada ku qabsatay ayaa weli daaraha saaran, dhowr maalin ka horna ganacsatada u diidanaa inay ganacsigooda magaalada ka wataan ayna si nabad gelya ah ku shaqeystaan.

.Waxaa kalo iga su’aal ah Mooryaantii diidaneyd Maamulka dadka deegaanka ayaa jooga oo weli aad ku haysaa guryo ay dad shacab ah leeyihiin.

.Ma waxaad ku fiirsantahay Maamul ay ku jiraan Mooryaantii shalay dhibaatada ka geysatay deegaanka in Maanta hadana ay maamulaan shacabkii ay dhibaatada badeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE