Golaha Wadatashiga Biimaal Oo Gaaray Degmada Nambar 50.

Hogaanka Golaha wadatashiga Beesha Biimaal ee dhawaan la shaaciyey ayaa safar ku gaaray Degmada Nambar 50 ee gobolka shabeelada hoose.

Golaha ayaa socdaalkooda kasoo bilaabay deegaanka Muuri halkaas oo kulamo kala duwan ay kula soo qaateen odayaasha dhaqanka, maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxay ka wada hadleen sidii taageero loo siin lahaa golaha wadatashiga Beesha Biimaal iyo in mas’uulka deegaankaas u matalaya golaha ay iska soo dhex saaraan dadka deegaanka.

Waxgaradka deegaanka ayaa uga mahadceliyey golaha booqashada ay ku yimaadeen Muuri iyo sida ay uga hadleen ujeedadooda, waxay balan qaadeen inay la imaan doonaan fir fircooni iyo karti ku aadan la shaqeynta golaha wadatashiga Beesha.

Intaasi ka dib ayaa golaha waxay usii gudbeen Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana soo dhaweyn u sameeyey Dhaqanka deegaanka, bulshada iyo madaxa arimaha bulshada deegaanka.

Golaha ayaa si diiran halkaasi uga helay soo dhaweyn iyo diyaar garow ku saabsan imaatinkooda waxaana la dejiyey guriga martida ee Degmada Nambar 50.

Waxaa lagu wadaa in kulamo kala duwan halkaasi ay kula qaataan maamulka iyo dadka deegaanka si ay uga hadlaan ujeedada socdaalkooda.

wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE