Alshabaab Oo Dib Uga Baxay Deegaanka Halgan iyo Huwanta Oo kusii Siqiya

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa kusoo dhawaaday deegaanka halgan ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ay dib ugu laabteen dagaalyahaanada shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa deegaanka u jirsaday wax ka yar 7 km waxaana isaga baxay Shabaab oo todobaadyo ka hor ku laabtay ka dib markii Ciidamada huwanta ay ka baxeen.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa ku hanjabay in saacadaha soo sacda ay gudaha u gali doonaan Deegaanka Halganka.

Deegaanka Halgan ayaa u dhaxeeya Magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde waxaana fariisin xoogan inta badan ka sameysta dagaalyahaanada Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE