Dhageyso : Odeyaal Hanjabaad U Diray Xidhibaanada Mooshinka Ka Keenay Madaxweyne Xasan Culusow

Maalmihii ugu dambeeyey ee uu socday Mooshinkla ka dhanka ah madaxweyne Xasan Culusow, waxaa isa soo tarayey hanjabaado iyo cagajuglayn loo jeedinayo qaar ka mid ah xildhibaanada dowladda federaalka ee hoos ka afuufaayo Mooshinka.

Odeyaal qabqableyaal ka ah Muqdishu oo caan ku ah shirqoolada iyo dilalka qarsoodiga ayaa warbaahinta ka hadlay iyagoo muujiyey inay garab u yihiin madaxweyne Xasan Culusow.

Axmed Diiriye oo ah dagaal-ooge caan ka ah Muqdishu iyo gobolada dhexe ayaa sheegay inuu caro bistiisa la yahay oo meel xun ay arinta ka mareyso. Hoos ka dhageyso hanjabaadda Axmed Diiriye

 

Waxaa sidoo kale xildhibaanda baarlamaanka Federalka hanjabaad u diray Maxamed Xasan Xaad oo sheegto inuu yahay Guddoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Hawiye. Hoos ka dhageyso hanjabaadda odey Xaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran