Dibad baxayaal Careysan Oo Ku Hormudaaharaaday Xerada Amisom ee Xaafad Ayuub (Sawiro iyo Cod)

Dibad baxa ayaa ka dambeeyey ka dib markii xaafadaha Buulo jaan, Buufow iyo Ayuub uu soo gaaray qabar sheegaya in Xerada Amisom ay soo galeen Kooxo Kaaba Mooryaano ah oo galbinaya Maamulka Marka.

Shacab u badan Caruur iyo Haween oo careysan ayaa soo dhoobtay Xerada Amisom horteeda waxaana ay ku qaylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Kaaba Mooryaanta.

Waxaa lasoo xiray Iskuulo iyo Dugsiyo qur’aan oo xafadaas ka agdhow si cauurta ay uga qayb qaataan Dibad baxa lagu muujinayo carada loo qabo Mooryaanta dadka dhibaateysa.

Dibad baxa ayaa qaatay saacad iyo wax ka badan waxaana dibad baxayaasha loo sheegay in Xerada amisom uu ka dhici rabo Kulan dhex maraya Maamulka Xasan Cumarey iyo dadka deegaanka kaas oo laysku wareysan doono balse aanay jirin Mooryaanta ay diidanyihiin oo xerada gudaheeda ku jira.

Waxaana sidaa kusoo afmeermay dibad baxa.

Dhegeyso Dibad baxayaasha.

DSC00085

DSC00086 DSC00087 DSC00088 DSC00089 DSC00090 DSC00091 DSC00092 DSC00093 DSC00094 DSC00095 DSC00096 DSC00097 DSC00098 DSC00099 DSC00100 DSC00101 DSC00103 DSC00104 DSC00106 DSC00107 DSC00108 DSC00109 DSC00110 DSC00111 DSC00112 DSC00113 DSC00114 DSC00115 DSC00116 DSC00118

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE