Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Abu Dhabi Kula Qaatay Dhaxal Sugaha Imaaraadka

Madaxweynaha Dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga wadanka isku taga imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay dhaxal sugaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Abu dhabi ayaa Madaxweyne Xasan sheekh uga xog waramay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sida uu ugu faraxsanyahay taageerada ay u hayaan shacabka iyo dowlada imaaraadka carabta.

Dhaxal suge Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan ayaa dhankiisa sii weyn usoo dhaweeyey kulanka Madaxweyne Xasan, wuxuuna u balan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dowlada soomaaliya oo uu ku tilmaamay dowlad walaal la ah Imaaraadka, waajibna uu ka saaranyahay inay ka garab istaagaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen mashaakilaadka ragaadiyey dalka.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Bin Maxamed Gargash iyo mas’uuliyiin kale oo labada dowladood ka socdey.

20150830MH_C095222

20150830MH_C095213
20150830MH_C095213
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran