Maxaa Kasoo Baxay Kulan Dhex Maray Gudoomiye Xasan Cumarey iyo Dadka Deegaanka

Kulan Goordhow soo gabagaboobay ayaa waxa uu ka dhacay xerada Ciidamada amisom ay ku leeyihiin Xaafada Ayuub ee koonfurta Magaalada Marka.

Kulanka ayaa waxa goob joog ahaa Gudoomiye Xasan Cumarey, ku xigeenkiisa dhanka Maaliyada Amiin Sheekh Boobow, Taliayah Saldhiga Boliiska Magaalada, taliyaha Nabad sugida Magaalada C/hi Muxdiin Xaaji iyo Taliska amisom ee xeradaas.

Sida ay inoo sheegeen ka qaybgalayaasha, kulanka waxaa codsaday Gudoomiye Xasan Cumarey si wada tashi uu ula yeesho dadka deegaanka iyo argtidooda ku saabsan siday u arkaan maamulka soo caga dhigtay Marka.

Odayaal iyo dhalanyaro kulanka ka qayb qaatay ayaa gudoomiayah u sheegay in aanu jirin naceeb iyo war gooni ah oo ay qabaan shakhsiyada Gudoomiyaha balse ay jiraan tuhumo ku aadan sida ay noqon doonto wada shaqeynta dhex mari doonta Maamulkiisa iyo dadka deegaanka marba hadii ay maamulkaas ku gadaamanyihiin mooryaan aragtidooda aan la jecleysan.

Guud ahaan ka qayb galayaasha kulanka ayaa isku argti ka noqday hadalada loo jeediyey Xasan Cumarey oo u badnaa muujinta heerka deegaanka uu ka joogo wada noolaansha iyo wax la wadaaga Mooryaan baneysatay dilka iyo gumaadka shacabka.

Waxa la weydiiyey sababta loo waayey Odayaal iyo wasiiro ka tirsan koonfur galbeed oo garab taagan Maamulkiisa iyo waxa ay u dhici weysay in galbuntiisa ay soo raacaan odayaashii magacaabay iyo wasiirada koonfur galbeed ee deegaanka , taas oo loo arkay muujinta tuhanada jira.

Shacabka kulanka ka qayb qaatay ayaa u qiray Xasan in Mas’uuliyada koonfur galbeed ay kusoo ururtay jilaafeynta iyo hagar daamada dadka deegaanka.

Gudoomiyaha oo la waraeegay warka ayaa si quman usoo dhaweeyey is araga dadka deegaanka iyo maamulka dhex maray weliba ay ka wada hadlaan rabitaankooda ayna sheegaan waxa ay ka qabaan maamulka.

Waxaa uu sheegay inay jiri doonaan kulamo kala duwan oo laysku dayayo in xal lagu gaaro ayna raadin doonaan waji kasta oo lagu qaboojin doono xaalada kacsan ee hada jirta, waxa uu meesha ka saaray tuhunka qaarkiisa ee laga qabo maamulka.

Waxaa lagu balamay siday noo sheegeen dadkii kulan ka qayb galay inay dhici doonaan kulamo kale oo dadka deegaanka iyo mamulka ay uga wada tashan doonaan sida lagu heli karo wadashaqeynta maamulka iyo shacabka iyo xalinta caqbadaha ku horgudban.

Shacabka Magaalada Marka ayaa aragtiyo isku mid ah ka qaba Maamulka Xasan Cumrey oo loo arko mid lagu xalaaleenayo jagooyinka Mooryaanta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE