R/wasaaraha Maleysiya Oo Ka Horyimid Baaqa Iscasilaadiisa

R/wasaaraha Maleysiya Razak Najiib ayaa ka horymid baaq ay soo jeediyeen siyaasiyiin badan oo dhaliilaya maamulkiisa xilli dibad bax looga soo horjeedo ay sii galayaan Maalintii seddaxaad.

Khudbad uu ku beegay Maalinta Xuriyada dalkaasi oo maanta ku beegan ayuu ku sheegay in xilka ka degi doonin islamarkaana waxa si kulul uu u beeniyey eeda musukh maamsukh ee loo jeediyey.

Dibadbaxayaasha oo gaaraya kumanaan kun ayaa ku eedeeyey in uu fashilmay r/wasaare Najiib islamarkaana waxay ku cadaadinayaan in uu iscasilo.

Magaalada Kuala Lumpur ee Caasimada Dalka Maleysiya ayaa maalintii seddaxaad waxa ka socda Dibad bax looga soo horjeedo r/wasaaraha talada haya ee dalka Mlaeysiya ka dib markii ay ku eedeeyeen musukh maasukh.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE