Qorshaha Kaaba Mooryaanka Ka Wakiilka Koonfur galbeed Oo La helay (Xog)

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa laba maalin ka hor markii uu soo gaaray Deegaanka Ceeljaale, Amisom waxa uu warbixin ku siiyey in ku simaha Gudoomiyaha gobolka ahna ku xigeenka dhanka amniga uu yahay Kaaba Mooryaan Cali Nuure.

Amisom ayaa gudoon iyo howraarsan tiri Shariif islamarkaana balan qaaday in si buuxda ay ula shaqeen doonto Kaaba Mooryaanka loo dhiibay.

Mudo Afar bilood ah ayaa la sheegay in uu ku sime ahaan doono Cali Nuure oo laga soo magacaabi doono Gudoomiye gobol maadaamaa kii hore ee Siidii uu noqday Buul ay ku adeegan jireen Mooryaanta hadana laga takhalusay.

Hadaba Markanews ayaa daba gal ku sameysay qorshaha Cali Nuure uu damacsanyahay

Mudo 10, Maalmood gudahooda ayaa waxa u qorsheysan in uu qaado howlgal loogu magac daray isbaaro qaad iyo la dagaalanka qori uu ku tilmaamay sharci daro.

Howlgalkan ayaa ka bilaami doona deegaanka Ceeljaale waxa ku ekaan doonaa Xerada Laanta buuro ee Duleedka Afagooye.

Waxa la qaban doonaa askari kasta oo wadada laamiga ah taagan islamarkaana qori sita, waxa wadada loo ogolyahay kaliya sida qorshohoodu yahay Askari Milateri ah oo sita IDcard ama ka diiwaan gashan wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Kaaba Mooryaan Cali Nuure ayaa Amisom ka diiday in howlgalka laga bilaabo Marko gudaheeda oo ay joogaan Maleeshiyo isaga hoos tagta oo aan lahayn nidaam iyo aqoonsi.

Hadaba yuu ku wajahanyahay Howlgalkan.

Dhamaadkii sanadii 2014kii Markii Cali Nuure iyo Kaaba Mooryaantii shabelle state ay ku fashilmeen sii haysashada Shabeelada hoose gaar ahaan deegaanada Beesha Biimaal waxa uu kusoo duulaan tagay magaca la dagaalan jid-gooyo oo markaas oo uu taabsaday jagada uu hada sheeganaayo.

Isagoo marmarsiyo u raadinaya howlgalkiisa ayaa markii hore ku baxay wadada aada Wanlaweyn halkaas aan waxaba uga suuroobin.

Waxaa markale uu u ruqaansaday Wadada aada Shalambood, ujeedka ma ahayn in sibaaro la qaado laakiin waxaa meesha ku jirtay in lala dagaalamo Ciidamadii Cali Nuure u diiday isagaoo Maamul Shabelle state ah uu ku noolaado Shabeelada hoose.

Hase ahaatee howlagalkaas ayaa noqday isku daygii labaad ee fashilmay ee Kaaba Mooryaan Cali Nuure uu ku doonayey in uu ku xalaaleysto dhiiga Ciidamada deegaanka.

Howlgalka hada uu iclaamiyey ayaa ah hadal heynta ugu xooga badan ee ka jirta wadada laamiga ah ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada deegaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE